Eden Hazard abihiis oo ka hadlay sababta uu wiilkiisa ugu biiri waayay Real Madrid!

Aabaha dhalay laacibka Chelsea ee Eden Hazard ayaa ka hadlay sababtii wiilkiisu uu ugu biiri waayay kooxda Real Madrid.

Kooxda reer Spain ayaa isku dayday dhawr jeer suuqa xaggaagan inay la wareegto Eden Hazard laakiin ma dhicin.

Wuxuu sheegay in wiilkiisu uu kamid noqon lahaa Real Madrid haddii tababare Zidane uu sii ahaan lahaa tababaraha kooxda.

“Qisadu waxay ahaan lahayd mid ka duwan sida ay haatan tahay haddii uu Zidane sii ahaan lahaa tababaraha Real Madrid” ayuu yiri Aabaha dhalay Eden Hazard.

“Ma sheegi karo wixii dhacay, ma ahan in aanan doonayn inaan sheego laakiin maba ogi, waxaa laga yaabaa inay leeyihiin siyaasad ah in fursad la siiyo ciyaartoyda da’yarta ah”.

“Sanad kale oo dheeri ah ayaa uga haraya heshiiskiisa xaggaaga soo socda, waana suurogal in waligiis uusan ku biirin Real Madrid”.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments