Dufaan ku soo wajahan Soomaaliya iyo dalal kale oo digniin laga bixiyay!

Ururka Saadaasha duufaannada oo ay xaruntooda tahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in duufaan laga cabsi qabo in ay waxyeelo geesato in ay kusoo wajahan tahay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Waxaana duufaantan loogu magac daray Luban ayaa la sheegay in la filayo in maalinta Jimcaha ku dhufato dalka Cumaan ayna sabtida uga sii gudubto dalka Yaman , waxaana duufaantan la sheegay Yaman kadib in ay usii gudbi doonto Soomaaliya.

Xarunta digniinada kasoo saarta Duufaanta ayaa sheegtay in duufaanta Luban ay wadato roobab xoogan , waxaana xaruntan heerka duufaanta kusoo wajahan dalalka Cuman , Yaman iyo Soomaaliya ku sheegtay heerka 1-aad.

Qoraal kasoo baxay xaruntan ayaa la sheegay in duufaanta xoogeeda uu yaraan doono marka ay soo gaarto dalalka Cuman iyo Yaman, waxa ayna xaruntu sheegtay in roobka xoogan ee duufaanta la socoto ay dhalin karaan khasaaro.

 

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments