Dowladda Soomaaliya yey Ku Tiirsan Tahay oo siiya Dhaqaalaha (Wax badan ka ogow)

Soomaaliya waa dal dhaqaale ahaan aad u liito, ma jiro dhakhli iyo wax soo-saar la sheegi karo oo gudaha ah, Maalgeshi iska daa, nalooma ogolada deymaha hey’adaha lacagta adduunka, marka dowladnimada Soomaaliya waxaa ay ku tiirsan tahay macaawinada ay ka hesho dibadda!!

Sida uu qoray bangiga adduunka, 2016-kii, kobaca Soomaaliya gaar ahaan GDP waxaa uu gaaray 2016-kii $6.2 Bilyan, Dakhliga gudaha(Canshuuraha iyo Ijaarka) waa halka dhibaatada ka jirto, dakhliga canshuuraha gudaha waxaa uu GDP ka yahay 2%, arrintan oo aad uga hooseysa celecliska wadamada saxaraha ka hooseeya oo lagu qiyaasay 17%.

Si aad u ogaato, sababta mucaawinada loogu tiirsan yahay, akhriso mashaariic illaa 10 dal oo beesha caalamka ay maalgeliyaan si Dowladnimada Soomaaliya u sii jirto, la’aantoodna madaxa la isla geli lahaa!!

1-Mashruuca RCRF II oo la xiriira bixinta Mishaaraadka iyo kabista Miisaaniyadda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, waxaa loogu talagalay $144 milyan.

2-PFM waa mashruuca xoojinta maamulka, Waxaa mashruucan ka faaideysanaya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada kala ah Puntland iyo Somaliland. Lacagta loo qoondeeyay mashruucan waa $20 milyan.

3-CIP: Waa mashruuc buuxiya dulduleelada iyo gaabiska dhanka adeegyada dowladda iyo in xoojiso awoodda Wasiirada, waxaa loo qoondeeyay $40 Milyan.

4-Support to Financial Governance Policy Dialogue: Barnaamijkan waxaa loogu talogalay in farsamo ahaan la kaalmeeyo, talooyinna lagula wadaago Dowladda Soomaaliya, $2 Milyan ayaa loo qoondeeyay.

5-MPF Knowledge Fund: Waxaa loogu talogalay in sare loogu qaado saameynta siyaasadaha Dowladda iyo midda beesha caalamka, Waxaa loo qoondeeyay $4.5 milyan.

6-Analytical and Technical Assistance on Education: Barnaamijkan waxaa loogu talogalay in sare loogu qaado tayada hay’adaha dowliga ah ee waxbarashada, $1 milyan ayaa loo qoondeeyay mashruucan

7-Somaliland Civil Service Strengthening Project: Waa mashruuc sare loogu qaadayo awoodda shaqaalaha, maamulka iyo nidaamyada qaar kamid ah wasaaradaha dowlad goboleedka Somaliland, Waxaa loo qoondeeyay $10 milyan

8-ICT Sector Support – Phase II: U jeedka barnaamijkan waa in sare loo qaadaa aqoonta, isticmaalka iyo tiknoolojiyada Soomaaliy, $14 milyan ayaa loo qoondeeyay.

9-Petroleum Sector Inclusive Development: Mideynta shidaalka, sharciyada Kheyraadka iyo la gorgortanka shirkadaha ajnabiga, Mashruucan waxaa loogu tiro galay iney u baxdo $3 milyan.

10-Somali Core Institutions & Opportunities Program :
 In kor loo qaado jawiga ay ku shaqeynayaan hay’adaha gaarka looleeyahay iyo In la dhiirrogeliyo maalgashiga iyo shaqo abuurista, SCIOP waxaa loo qorsheeyay $28.5.

11-Somalia Investment Climate Reform Program: Waa in kor loo qaado lana dhiirrogeliyo dhaqaale koror iyo tartan xagga suuqa, Waxaana la qorsheeyay in mashruucan uu ku baxo $2.9 milyan.

12-Supporting to Remittance Flows to Somalia: Baanka Adduunka waxuu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya kala shaqeynayaa in la dhaqan geliyo howlo loogu gonleeyahay in laga difaaco, Waxaa mashruucan loo qoondeeyay lacag dhan $2.2 milyan iyadoo laga yaabo in lasii gaarsiiyo $3.655 milyan.

13-Special Financial Facility for Local Development: Ujeedka SSF-LD waa inuu taageeraa dhismaha iyo dayactirka ee kaabayaal dhaqaale oo cusub iyo kuwii hore ee duugoobay, Waxaa loo qoondeeyay mashruucan lacag dhan $8.8 milyan.

14-Somali urban Investment Planning Project: Maalgelinta magaalooyinka, mashruucan waxaa ku baxaya $6 Milyan oo Dollar.

15-Somalia Power Sector Development Support:
 Ujeedka mashruucan ayaa ah in uu ka qeyb qaato horumarinta iyo sal-fiican u dhigidda tamarta Soomaaliya, $5 milyan ayaa uu qorshahu yahay in uu qaato mashruucan.

Hadaba, si looga baxo Macaawinada iyo dibad tuugsiga waxaa haboon in la dhiirigeliyo wax soo saarka dalka iyo in la raaco talada bangiga dhexe.

Dhiirigelinta Wax Soo Saarka:

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horay loogu soo jeediyay in uu ku amro wasaaradaha wax soosaarka ka shaqeeya in ay baarlamaanka horkeenaan daraasad muujineysa badeecadaha laga soo saaro ama laga soo saari karo dalka Soomaaliya iyo sida loo kala hor marin karo joojintooda, kadibna aynu soo saarno sharci mamnuucaya in dalkeena loo soo dhoofiyo cuntooyinka iyo badeecooyinkaas.

In xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre la timaado siyaasad ku dhiirigelineysa ganacsatada Soomaaliyeed maalgeshiga wax soo saarka iyo warshadeynta dalka, waxna ka qabto qiimaha korontada oo dad badan u diidan iney warshado dalka keenaan.

In dowladaha Soomaaliya u soo dhoofiya qaadka lala galo heshiis ganacsi oo ganacsatada Soomaaliyeed u ogaalanaya in ay dalkooda geeyaan cuntooyinka dalkeenna ka soo baxa sida kaluunka, xoolaha iyo wixii la midka ah si aynu uga kabanno dhiigbaxa dhaqaale ee qaadka inoo geysanayo maalin kasta.

Qaadashada Talada Bangiga Adduunka:

Bangiga adduunka, waxaa uu Soomaaliya kula taliyay iney qaaddo tillaabooyin qaran oo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee horumarinta(NDP) si kobaca canshuuraha ee GDP-ga loo gaarsiiyo 2022-ka illaa 13% halka uu hadda ka taagan yahay 2%. Talada bangiga dhexe, waxaa uu u qeybiyay 3 weji, xilliga gaaban(short time), mid dhexe(mid-time) iyo marxalad fog(long time), halkan waxaa ku soo gudbinayaa talada xilliga gaaban(short time) ee bangiga dhexe kula taliyay Soomaaliya.

Tallooyinkiisa Waxa ka Mid Ahaa:

1-In qiimo wax lagu canshuuro: Bangiga adduunka waxaa uu leeyahay canshuuraha hadda laga qaado waxyaabaha Soomaaliya dibadda uga yimaado waxaa lagu qiimeeyaa miisaanka ama culeyskiisa ee lama fiiriyo qiimaha sheyga uu joogo, waxaa dowladda lagu taliyay in shey kasta oo dalka soo galo, canshuurta lagu saleeyo qiimaha uu joogo ee aan la fiirin miisaankiisa.

2-Yareynta Canshuur Dhaafka: Bangiga adduunka waxaa uu dowladda Soomaaliya kula taliyay in ay yareyso alaabta iyo waxyaalaha loo sameeyo canshuur dhaafka, taasi oo haddii ay soo socoto dhaqaalaha hoos u dhigi karta.

3-5% Waxyaalaha La Dhoofiyo: Bangiga waxaa uu soo jeediyay in la kordhiyo canshuurta waxa dalka laga dhoofiyo 5%, waxyaabahaas sida uu sheegay waxaa ka mid ah: Xoolaha, dallaga, Khudaarta, Malayga iyo waxyaale kale.

4-Canshuurta ganacsiga Aan Dheefta Laheyn: Bangiga waxaa uu soo jeediyay in ganacsiga ay ka midka yihiin sigaarka, Qaadka, Tubaakada, Shidaalka, Matoorrada, Baabuurta si KMG ah loo canshuuro 10% illaa 50%.

5-Canshuurta shaqaalaha: Bangiga adduunka waxaa uu dowladda Soomaaliya kula taliyay in ay canshuurta ka qaadaan dhammaan shaqaalaha kuwa iyada u shaqeeya iyo kuwa gaarka ah, gaar ahaan shaqaalaha gaarka ah waxaa la soo jeediyay in canshuurta lagu dalaco qofka loo shaqeeyo ama shirkadda.

6-Canshuurta Isgaarsiinta: Bangiga adduunka waxaa uu qabaan karaka ku hadalka tusaale ahaan ay dowladda ka qaado canshuur dhan 5-10%, haddii sidaasi la sameeyo dowladda waxaa ay ka maarmi doontaa wax ka badan $5 Milyan ee ay hadda ka hesho isgaarsiinta.

7-Canshuurta Xawaaladaha: Bangiga adduunka waxaa uu soo jeediyay in la qaado 0.5 illaa 1%, haddii ay $1000 ka badato la dhimo, sanadkii haddii sidaa la sameeyo waxaa ay dowladda heli kartaa $13 Milyan oo Dollar.

8-Airport iyo Fiiso:
 Isticmaalka waxaa la soo jeediyay in la isticmaalo $40 oo qof kasta laga qaadi xitaa shaqaalaha UNka iyo diblomaasiyiinta, haddii dowladda ay sidaasi sameyso waxaa soo xaroon doona lacag dhan $10 Milyan.

Haddii la rabo in Soomaaliya ay ka baxdo gacan hoorsiga iyo macaawinada waa in la la naco qeylo-dhaanka mar walbo loo diro beesha caalamka, la iska daayo caajiska, dalkan waxaa uu u baahan yahay dowlad iyo shacab isku fikrad ah, jecel horumarka, habeen iyo maalinna ka shaqeeya danta dalka iyo dadka!!

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye,

Xog uruurinta waxaa gacan ka geystay Mowliid Axmed Xasan oo ka tirsan Goobjoog Business.

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Soomaaliweyn Media Network.
Soomaaliweyn Media, waa shabakad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada info@soomaaliweyn.net Mahadsanid

Facebook Comments