Digniin culus oo loo diray shacabka magaalada Caabud-Waaq (Akhriso)

Maamulka booliiska magaalada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ayaa soo saaray amaro la xiriira waxyaabaha maanka dooriya ee magaalada la keeno.

Taliska ayaa digniin u diray dadka waxyaabaha maanka dooriya magaalada soo geliya ee ka keena dalka Itoobiya.

Dhamme Maxamed Yuusuf Axmed  oo ah Taliyaha booliiska Magaalada Caabud-waaq ayaa sheegay dadkii lagu qabtaa in lagu ganaaxayo lacag dhan 1500 doolar ka dibna xabsiga dhigi doono.

Waxa uu xusay in aysan raali ka ahayn in shacabka la marin habaabiyo amni darana laga shaqeeyo.

Taliye Dhamme Maxamed Yuusuf Axmed ayaa tilmaamay in ay ku daba jiraan dad la sheegay in ay dalka Itoobiya ka keenaa waxyaabaha maanka dooriya shartcigana ay horgeyn doonaan.

Mudooyinkii dambe magaalada Caabud-waaq waxaa ku soo batay dad ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo dhibaato amni iyo mid bulsha ku heysa magaalada sida saraakiisha ay sheegeen.

Dhinaca kale Taliska booliiska Magaalada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ayaa shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan hay’addaha amaanka Magaalada Caabud-waaq.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments