Dhoolatuska todobaadka ah ee Ruushka & Shiinaha oo bilaawday (Daawo sawirro)

Dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Mongolia ayaa waxaa uga bilowday deegaanka Sibir ee dalka Ruushka dhoolatus ciidan kaas oo aad u baaxad weyn islamarkaana ay ka qeyb-qaadanayaan askar aad u tababaran.

Wuxuuna Dhoolatuskan socon doona shan maalmood waxaana ka qaybqaadanaya 300,000 oo askri, waxaa kale oo lagu soo bandhigi doonaa waxyaabihii dhoolatusyada lagu soo bandhigi jiray xilliyadii Sovietku talinayay.

Shiinaha ayaa dhoolatuskan loogu magacdaray “Vostok-2018” kaga qayb-qaadaneysa 3,200 oo askari oo wata gawaari qafilan iyo diyaaradaha dagaalka. Mongolia ayaa sidoo kale cutubyo u diraysa.

Dhoolatuskii u dambeeyay ee baaxaddan leh wuxuu dhacay 1981-dii markaas oo uu socday dagaalkii qaboobaa balse dhoolatuskan Vostok-2018 ayaa ka askar badan.

Gaashaanbuurta NATO ee uu Mareykanku ku jiro ayaa waxaa uu ku tilmaamay dhoolatuskan mid loogu diyaargaroobayo dagaal weyn, wuxuuna imaanaya wakhti ay xiisad dhex taallo ururka Nato iyo Ruushka.

Xiriirka Ruushka iyo gaashaan buurta Nato ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu Ruushku gobolka Crimea ka goostay Ukraine sannadkii 2014kii, Waxayna NATO  ka kooban 29 dal oo uu awooda uga badan leeyahay Mareykanka.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments