Deg deg: Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug oo xilkii laga qaaday

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug waxaana ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulkaasi  Cali Gacal Casir.

Sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed waxaa xilka qaadistiisa ay 146-da xildhibaan isku raaceen gudoomiye Cali Gacal Casir.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed  ayaa sheegay in Xildhibaano gaaraya 146 ay codka kalsoonida kala noqdeen Gudoomiye Cali Gacal, halka uu ka aamusay hal Xildhibaan.

Hase yeeshee Arintan waxey cirka sii galineysaa khilaafka u dhexeeya Hogaanka sare ee Galmudug taasoo soo jiitamayay tan iyo markii heshiiska lala soo galay Ahlu-Suna, xubno kuwooda ahna lagu soo daray Baarlamaanka.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments