Dawlada Somalia oo amar ku bixisay in ay doorashada MKG waqtigeeda dhacdo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo Fartay Madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed in Doorashada ay qabsoonto xiligeeda

War kasoo baxay Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aanan la aqbali karin wax dib u dhac ah, islamarkaane ay si toos ah u dhacdaa waqtigii horay loogu asteeyay.

Wasaaradda A/Gudaha “Doorashada dowlad goboleedka K/Galbeed waa inay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka”

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments