Dad ku dhintay Dhisme soo dumay Muqdisho.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen darbi ku soo dumay dhismaha Mall laga hergalinayo Agagaarka KM4 magaalada Muqdisho.

Shaqaalan ku howlanaa dhismaha mid ka mid ah darbiyada Mall kan ayaa mar kaliya waxaaa ku soo dumay darbiga taasoo keentay in ay halkaa ku nafwaayeen, sidoo kale waxaa jira qaar ka mid ah shaqaalaha wali la tuhusan yahay in ay ku soo jiraan dhagaxyada iyo bacadka is dul-barkada.

Goobta waxaa jooga ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya iyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah, ku waa oo baadi –goob ugu jira bal haddii ay jiraan wali shaqaale ku soo jira dhismaha dumay.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonna insha allah.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments