Dableey hubeysan oo dilal iyo dhaawacyo ka geysatay Gaalkacyo & degmo ku dhow

Dabley hubeysan ayaa saacadihii ugu dambeeyey waxay siyaabo kala duwan dil iyo dhaawac ugu geysteen illaa lix qof oo ku kala sugnaa magaalada Gaalkacyo iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug.

Falka hore ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo markii rag bastoolado ku hubeysan ay halkaas ku dileen nin dhalinyaro ah oo magaciisa la oran jiray Xaamud Wardheere, kaasoo ka tirsanaa dadka degaanka.

Ragga dilka geystay ayaan lagu guuleysan in la qabto lamana oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan dhalinyarada ah iyo cida rasmiga ah ee ka dambeysa.

Dhinaca kale, dabley hubeysan oo jidgooyo dhigtay ayaa rasaas ku furay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ka soo baxay magaalada Gaalkacyo kuna sii jeeday degaanka Hobyo.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay 3 kale oo shacab ahna wey ku dhaawacmeen rasaasta kuwaasoo haatan lagu dabiibayo isbitaalo ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Dableyda oo damacsanaa iney dhac u geystaan dadka safarka ahaa ayaa rasaasta ku furay gaariga ka dib markii darawalkii waday uu diiday amar ay siiyeen oo ahaa inuu gaariga joojiyo.

Ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa ku baxay goobta ay wax ka dhaceen, iyagoo baadi goobaya kooxaha falkan geystay oo ku baxsaday degaano miyi ah oo halkaas u dhow.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments