Daawo Sawirro:Rw Kheyre “Ciidamada Qalabka sida waxay dhowaan isku furi doonaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo”…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Baydhabo ayaa ku baaqay iney dadku ka qeyb qaataan dagaalka looga xoreynayo shabaab dhulalka kooban ee ay maamullaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in la isku furi doono wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydbao, si deegaanka looga saaro go’doonka. isagoo tilmaamay kooxaha shabaab dhibaatada ay wadaan darteed uu maamulku u guuri la yahay xaruntiisii Baraawe.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
   Mogadishu Somalia
   info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments