Daawo Sawirada: Maroodi aad u Weyn oo Qaliin lagu sameeyay

Dhaqaatiir u dhalatay dalka Colombia kana shaqeysa  beer Xayawaanka lagu xanaaneeyo ayaa ku guuleestay Qaliin ay ku sameeyeen Maroodi da’diisa lagu qiyaasay 50-Sano.

Maroodigan oo culeeskiisa lagu sheegay 5-tan ayaa qaliinka lagu sameeyay waxaa ka qeyb qaatay 30-qof, waxaana Maroodigan lagu guuleestay in la suuxiyo mudo 30-daqiiqo ah .

Maroodigan oo lagu magacaabo Tantor ayaa qaliinka looga sameeyay mid kamid ah foolashiisa kadib markii ay ka dilaacday dhibaatana kasoo gaartay.

Lacagta lagu sameeyay qaliinka oo gaareysa $8,500 oo doolar waxaa iska soo uruuriyay dad gaaraya 100-qof kuwaa oo ka shaqeeyay sidii maroodigaasi loo daweyn lahaa.

Maroodigan ayaa sanadkii 1991-dii laga helay beer uu lahaa nin daroogada ka ganacsada, waxaana Maroodigan markii dambe la geeyay beer lagu xanaaneeyo duurjoogta oo ku taalla magaalada Barranquilla .

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments