Daawo sawirada Jen. Indho Qarshe oo gaaray degaan ay ciidamada DF la wareegeen

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa kormeer ku tagay Deegaanka Geed Timir ee gobolka Sh/Dhaxe halkaa oo ay ciidamada dowlada la wareegeen.

Jen. Indha Qarshe ayaa kormeeray xero ciidanka Milatariga Soomaaliya ka sameesteen deegaanka Geed Timir , waxa uuna warbixino ka dhageestay saraakiisha ciidanka ee deegaankaasi ku sugnaa.

Taliyaha ciidanka Xooga ayaa amaanay ciidamada iyo saraakiisha ee ku sugan deegaanka Geed Timir, waxa uuna xusay taliyaha in la xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay deegaano badan oo horey gacantooda ugu jirin, waxa ayna ciidamada markaan bilaabeen in saldhigyo ka sameestaan deegaanada ay la wareegaan.

Daawo Sawirada Jen. Indhe Qarshe oo gaaray deegaanka Geed Timir 

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments