Ciidamada NISA oo howlgal ka fuliyay gobalka Sh/hoose & khasaara ka dhashay

Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa howlgal balaaran ka sameeyay deegaano oo ka tirsan gobalka shabeeleha hoose, wauxuuna howlgalkaan geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada gaarka ah ee NISA ayaa howgalka ka fuliyay deegaanka Bubaarak halkaa oo ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab halka ay kuwa kalane ku dhaawaceen, sida uu xaqiijiyay taliska NISA.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, oo lagu daabacay boga ay Twtter-ka u leedahay ha’adda ayaa lagu sheegay in uu howlgalku ka dhacay deegaanka Mubarak ee gobalka Sh/hoose islamarkaane lagu dlay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Taliska ciidanka NISA

Taliska NISA ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay dib kaga soo baxeen Degaanka Mubaarak si Shacabka aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka, Isaga uu taliska intaa raacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka.

“Ciidamada amniga ayaa dib uga soo baxay dagaalka si aysan shacab wax uga soo gaarin., waxaana ka go’an inay shacabka ilaaliyaan halka Alshabab ay had iyo jeer beegsadaan dadka rayidka ah kuna dhax dhuuntaan” ayaa sidoo kale qoraalka lagu yiri.

Dhanka kale uruka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalyahanada laga dilay, mana jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya qaabka uu howlgalkan u dhacay iyo khasaaraha xaqiidda ah uu sababay.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments