CIA da Mareykanka oo sheegay in 5 ka mid ah AL-shabaab uu ku dilay Galguduud….

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay in shan ka mid ah Ciidamada Al-shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa war uu soo saaray ku sheegay in weerarkaas lagu dilay shan ka mid ah Ciidamada Al-shabaab,waxaa ay intaas ku dareen in aanay jirin khasaare dad shacab ah ka soo gaaray weerarkaas.

Warka ka soo baxay Africom,waxaa lagu sheegay in weerarkaas oo ahaa mid fasax looga heystay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.

Warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ay sii wadi doonaan howlgallada noocan ah islamarkaana dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab uu Mareykanka ka sii wadayo Soomaaliya.

Todobaadkan weerar dhinaca Cirka ah oo ka dhacay degaanka Kaamjarroon ee Gobolka Jubada hoose ayaa lagu dilay dad rayid ah iyada oo ilaa hadda aysan jirin cid qaadatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
Mogadishu Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments