Cali Gacal Casir olo ka hadlay doorashada Galmudug oo ka dhaceyso M/ Cadaado

Magaalada Cadaado ee xarunta mamulka uu ka dhex jiro isfahmi waaga ee Galmudug ayaa waxaa ka socda qaban qaabada Doorasho la sheegay in lagu dooranayo Madaxweynaha maamulkaasi.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee dhawaan la sheegay in xilka laga qaaday ayaa sheegay in ay socdaan diyaar garow ku aadan doorashada Madaxweynaha Galmudug kadib markii Xildhibaano Cadaado ku shiray xilka ka tuureen Madaxweyne Xaaf.

Gudoomiye Cali Gacal ayaa sheegay in Warbaahinta dhawaan usoo bandhigi doonaan guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka.

Doorashadan la filayo in ay ka dhacdo magaalada Cadaado ayaa kusoo aadeysa xili shalay magaalada Dhuuso Mareeb lagu doortay Gudoomiye Baarlamaan ,kadib markii ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada jooga Dhuuso Mareeb Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments