Cabdi raxmaan Cirro oo aqbalay natiijada doorashada Somaliland…

C/raxmaan Maxamed C/laaahi (C/raxmaan Cirro), Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa caawa ku dhawaaqay in uu tanaasulay, isla-markaana uu aqbalay natiijada doorashadaa.

Guddiga Doorashada Somaliland, ayaa waxay galabta ku dhawaaqeen in Muuse Biixi Cabdi loo doortay Madaxweynaha Somaliland, shanta sano ee soo socota.

Sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashada Somaliland, Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi codadkii uu helay waxay u dhigantaa boqoleyda 55.19%, iyadoo Hogaamiyaha Waddani uu helay 40.73%, halka Hogaamiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe uu helay 4.17%.

C/raxmaan Maxamed C/laahi oo saluugay qaabka ay doorashada u dhacday, ayaa ugu dambeen caawa ka dhawaaajiyay in uu tanaasulay, isla-mamrkaaana uu aqbalay natiijada doorashada.

C/raxmaan Cirro oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in dantiisa uu ka hormariyay midda Somaliland, isagoo intaa ku daray in tiisa uu ka hormarinayo midda qarankiisa, sida uu yiri.

Ka dib markii galabta lagu dhawaaqay in doorashada uu ku guuleystay Muuse Biixi, ayay Masuuliyiinta Xisbiga Waddani kulan gaar ah ku yeesheen Magaalada Hargeysa, afar saacadood ka dibna waxaa Warbaahinta la hadlay C/raxmaan Cirro, oo markii dambe ku dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada.

Faysal Cali Waraabe, Hogaamiyaha Xisbiga UCID, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Somaliland, inkastoo uu saluug ka muujiyay codadka yar ee doorashada uu ka helay Xisbigiisa.

Xafiiska shabakadda Soomaaliweyn
   Mogadishu Somalia
   info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments