Cabdi Max’uud Cumar oo mar kale la soo taagay maxkamad ku taalla Addis Ababa

Hogaamiyihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar kale manta ka soo muuqday maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa.

Dhageysiga dacwadda Cabdi Max’uud Cumar ayaa horay dib loo dhigay muddo 14 cisho ah ka dib markii ay sidaasi codsadeen dacwad oogayaasha si ay soo ururiyaan cadeymaha kiiska Illey.

Cabdi Illey ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed intii uu majaraha u hayey hogaanka dowlad degaanka.

Dambilahan ayaa laga soo xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii Augosto, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka degaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

Dhowaan ayuu Cabdi Max’uud Cumar ka codsaday raisul wasaaraha itoobiya in cafis loo fidiyo hase ahaatee dalabkiisa ayaa ku dhacay dhego aan wax maqlin.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments