Cabdi Max’ed Sabriye oo markale diiday qorshe uu watay Eng. Yariisow

Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa mar kale ka biyo diiday qorshe la doonayay in xilka looga qaado qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa Wasiirka u diray Liiska Gudoomiyaasha xilka laga qaadayo iyo kuwa lagu bedeli lahaa, hasa ahaatee waxaa arintaasi ku gacan seeray Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya

Xogta aan helnay ayaa sheegayso in Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa ka biyo diiday in uu xilka ka qaado Gudoomiyaasha Degmooyinka iyada oon la cadeyn sababta rasmiga ah ee xilka looga qaadayo.

 

Eng. Cabdiraxmaan Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  oo waayay sabab muuqata uu xilka uga qaado Gudoomiyaasha jooga ayaa dib ula noqday xil ka qaadistii iyo magacaabistii uu sameyn rabay  kadib culees uu kala kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa diidan in uu magacaabo Gudoomiyaal degmo aan wax wadatashi ah lagala sameyn, waxa uuna si weyn uga carooday Magacaabistii Gudoomiyaha Degmada Hodan oo Wasiirka isku heyb yihiin sidoo kale aan lagala tashan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaa in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir marar badan dacwo ka dhan ah Wasiirka Arimaha Gudaha u gudbiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana Yariisow Kheyre u sheegay in uusan deg degin xalna la gaari doono.

Duqa Muqdisho ayaa horey xilka uga qaaday Gudoomiyaasha Degmooyinka Hodan iyo Waabari, waxa uuna labadaasi degmo u magacaabay Kusimayaal aysan ka war heyn Wasaarada Arimaha Gudaha.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments