Al-Shabaab oo digniin ka soo saaray tallaabo waxbarasho oo ay qaadatay DFS

Iyadoo ay dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in ay sameysay Manhaj cusub looga tala galay in laga hirgaliyo dugsiyadda Waxbarashadda ee Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa digniin kasoo saaray Al-Shabaab.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh (Cali Dheere) ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Sh. Cali Dheere ayaa digniin culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka, iyagoo ku eedeeyay inay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in manhajka cusub ee Waxabarshada ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, kaasoo uu xusay inay ka hor imaaneyso Diinta Islaamka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhawaan ka qeyb galay Munaasabado kala duwan oo loogu tala galay in lagu soo bandhigo Manhaj cusub oo laga bilaabi doono Goobaha Waxbarashadda Soomaaliya.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments