Ilhan Cumar oo soo gaartay dal ku yaalo qaarada Afrika (SAWIRRO)

Ilhan Cumar oo kamid ah Xildhibaanada aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ayaa iyada iyo Xildhibaano kale oo Koongareeska katirsan waxa ay booqasho ku joogaan dalka Ghana.

Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa kamid ah wafdi ay hogaamineyso afahayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasho ku joogo dalka Ghana.

Wafdigan ka socda dowlada Mareykanka ayaa dalka Ghana uga qeyb galaya xuska 400 sanno guuradii kasoo wareegtay markii kooxdii ugu horeysay ee dadkii addoonsiga loo watay ay gaareen Maraykanka.

Ilhan Cumar ayaa kamid noqotay Xildhibaanada xiligan ugu saameynta badan Baarlamaanka dalka Mareykanka, waxa ayna Ilhan ku caan baxday hadalada kul kulul ay is dhaafsadaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments