Askari xukun loogu riday dilkii Paul Anthony Farmosa ee dekadda Boosaaso

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland, kaas oo lagu Eedeeyay in uu fududeeyay dilkii Magalada Boosaaso loogu geystay Maareeyihii Shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

Goobta Maxkamadeynta oo ay ku sugnaayeen saraakiisha ugu sareyesa Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo Ehelada Askariga ayaa Maxkamada waxaa ay Askariga oo lagu Magacaabo Dable Cabdi Cali Xirsi  ku riday xukun dil toogasho ah.

Askariga xukunka lagu riday oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Puntland ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilkii Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in askariga la xukumay uu heysto fursad bila ah oo uu racfaan ku qaadan karo,waxaana xukunka Maanta uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ay Puntland sheegtay inay ku dhawaaqi doonto Natiijada baaritaanka dilkii Paul Anthony Farmosa.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
[email protected]

Facebook Comments