Sacuudiga oo dal Afrikaan ah ka mamnuucay in dadkiisu u safraan Xajka sanadkan

Dowlada Sacuudiga ayaa sanadkan fiisaha dal ku galka ka joojisay Muslimiinta ku nool Dalka Congo, kadib markii dalkaasi qeybo kamid ah lagu arkay xanuunka halista badan ee Ebola.

War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu cadeeyay in sanadkan fiisaha laga joojiyay dadka doonayay in ay soo xajiyaan ee u dhashay dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo.

” Si loo ilaaliyo bad qabka iyo wanaagga dadka xajinaya, waxaa sanadkan la joojiyay in fiisaha ama dal ku galka Sacuudiga la siiyo dadka u dhashay dalka Koongo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Sacuudiga.

Hay’ada Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in dalka Congo  uu ka jiro cudurka halista ee Ebola, waxa ayna Hay’adu sheegtay in cudurkan dhibaato ku hayo qeybo kamid ah dalkaasi iyadoona ku baaqday in laga hortago in cudurkaasi sii faafo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments