Safiirka QM oo baaq xoogan u diray madaxda DF iyo kuwa maamul gobaleedyada

Wakiilka gaarka aha ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ergeyga ayaa tilmaamay in xiriir wanaagsan oo dhex-mara madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay muhiim u tahay in la gaaro xal siyaasadeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay marka la yagleelo xasilooni siyaasadeed in la helayo amni iyo nabad galyo buuxda.

James Swan oo ka warbixinayay socdaalkii uu ku tagay magaalada Jowhar ayaa sidoo kale shaaciyey inuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada maamulkaasi, ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu intaasi ku daray  in Qaramada Midoobay si ay u xoojiso howlaheeda HirShabelle ay ku yeelaneyso maamulkaasi xafiisyo ka shaqeynaya arrimaheeda, si ay hormariso howlaha ay ka qabato halkaasi.

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay u booqday Garowe iyo Kismaayo, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
[email protected]

Facebook Comments