RW Kheyre oo soo gabagabeeyay safarkii magaalda Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaaraha Dawlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa seddaxdii maalin ee la soo dhaafa ku sugnaa Magalada Gaalkacyo ee gobolka mudug, isaga oo waday kulamo kala dwuan oo uu la yeelanayay waxgaradaka, Odayaasha iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladaas.

RW Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in Maanta uu kulan la qaato Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo,isla markaana uu soo geba-gabeeyo safarkii uu ku joogay Magalada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiin safarka ku wehliya Ra’iisul Wasaaraha iyo ilaaladiisa ayaa saakay gaaray Magalada Dhuusamareeb, iyaga oo sii diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaraha oo safar dhinaca dhulka ah uu uga soo baxo Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu tego Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Galmudug ee ku sugan halkaas, isaga oo kala hadli doona xaalada Galmudug iyo sida ay ku dhici laheyd doorasho lo dhan yahay.

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha uu markii Saddexaad uu tegi doono Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud si uu u xaliyo tabashada ay qaban waxgaradka iyo Odayaasha Magaaladaas.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments