Al-Shabaab oo Gudoomiye cusub usoo magacaabay weerarada Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab guddoomiye cusub ay u magacawday gobolka Banaadir, kaas oo wakiil uga noqon doono howlgallada ay ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ayaa loo magacaabay Daahir Macalin Salaad, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Ninkan ayaa horay uga tirsanaa sirdoonka Xoogaga Al-Shabaab, sida aan xogta ku helnay.

Daahir Macalin Salaad ayaa bedalaya Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al-Shabaab ugu magcawnaa magaalada Muqdisho.

Cali Jabal oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay sanadkii 2017-kii.

Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Al-Shabaab aysan awood muuqata ku laheyn Muqdisho, balse ay ka fuliyaan qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa 2011-kii gabi ahaan Al-Shabaab ka saaray Caasimada, kadib daaallo dhex maray labada dhinac.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments