Dawlada Somaliya oo amar cajiib ah kusoo rogtay hey’adaha xarunta Xalane

Wasaarada Gaadiidka iyo Guulista Hawada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay heyadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee degan xarunta Xalane iney wixii hadda ka dambeeya isticmalaan magaca ah garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii heyadaha degan xarunta Xalane ay caadeysteen iney qoraalada iyo dokumentisyada ku isticmaalaan garoonka dayuuradaha Muqdisho.

Qoraalka Wasaarada oo soo baxay 17-kii bishii hore ayaa lagu sheegay iney qalad tahay isticmaalka magaca garoonka Muqdisho, loona baahan yahay in la isticmaalo magaca saxda ah oo ah garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle, maadaama loogu magac daray Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somalia Aadan Cabudlle Cismaan.

Hoos ka Aqriso qoraalka Wasaarada 

“Garoonka Muqdisho waxaan si sharaf ku dheehantahay ugu magac darnay madaxweynaheenii ugu horeeyay Aadan Cabdulle, isagoona noqonayo ‘Garoonka Caalimaga ah ee Aadan Cabdulle (AAIA) waana magaca gaarka ah ee Garoonka Muqdisho, Fadlan iska ilaaliya isticmaalka MIA oo ku badasha AAIA marka aad kusoo qaadaneysiin qoraalada iyo hadaladiina”.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments