Askari ka tirsan ciidamada dawlada Muqdisho ku dilay Bajaajle iyo ruux shacab ah

Askari ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay Wadada Dabka ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil bajaajle ahaa kuna dhaawacay ruux shacab ah wadada marayay.

Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay oo la sheegay in uu bajaaj kale saarnaa rasaas ku furay wiilka bajaajlaha ah, waxaana wiilkan u dhintay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaasta halka sidoo kale rasaastaasi ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah oo watay gaari dameer.

Dilka ayaa imaday kadib markii uu darawalka mooto Bajaajlaha ah uu biyo wada yiilay ku soo faniijiyay askariga dilka geystay, taasi uu ka carooday askariga kadibne uu rasaas ku furay.

Biyaha ay mootada soo faniijisay ayaa ahaa haraadiga roob saakay ka da’ay magaalada.

Askariga dilka geestay ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamo katirsan booliiska ayaa soo gaaray goobta lagu rasaaseeyay wiilka Bajaajlaha ah ee dhintay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in gacan ku dhiiglaha lasoo qaban doono.

Dilka maanta muqdisho loogu geystay bajaajlaha ayaa imaanaya xilli todobaadii hore isla degmada howlwadaag agagaarka isgoyska Bakaaraha uu sidaan oo kale askari ka tirsan ciidamada Dawlada uu darawal waday gaadiidka dadweynaha uu ku dhaawacay.

Ciidamada dowlada ayaa wali magaalada Muqdisho kawada dilalka ay u geesanayaan dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata iyo darawadalada gaadiidka dadweynaha, waxaana Muqdisho bilihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal badan oo ay ciidamada amaanka u geesteen dhalinyaro ku shaqeesata bajaajta.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments