Al-Shabaab oo toogasho ku fuliyay askar ka tirsan Ciidamada Dawlada Somaliya

Kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay illaa saddex askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku toogteen deegaanka Kurtun-Waareey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Goobta fagaaraha ah ee lagu toogtay askartaasi ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi in ay ka soo xaadiraan.

Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Amiin Tifow oo 23 sana jir ah, Muxiidiin Maxamed Cabdiraxiin oo 36 sana jir ah iyo Cabdiwahaab Axmed Xasan oo 30 sana jir ah.

Al-Shabaab ayaa tilmaamay in askartaasi ay ku qabteen dagaallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay Fagaarahaasi ayaa hanjabaad u diray shaqaalaha iyo ciidamada dowladda.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa toogasho kale ka fuliyay degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu fuliyay nin lagu sheegay inuu Saaxir ahaa.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xasaney Axmed Kaaytoy , kaas oo 35 sano jir ahaa.

Maalmihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana Arbacadii iyo Khamiistii ay dileen illaa 10 qof oo ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments