Banaanbaxyo looga soo horjeedo Waare oo ka socda magaalada Beledweyne

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya xaafado katirsan magaaladaasi ay ka socdaan banaan bax looga soo horjeedo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqaya ereyo ay uga soo horjeedaan Hirshabelle gaar ahaan Madaxweyne Waare , waxa ay sidoo kale dibad baxayaasha taageero u muujinayaan Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Sida aan wararka ku helnay dadka dhigaya banaan baxa ayaa dhagxaan ku xiray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Baladweyne, waxaana banaan baxa saameyn ku yeeshay qeybo kamid ah magaalada.

Banaanbaxayaasha ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay kamid yihiin ”ka Dhiidhi dhibaatada Hirshabelle ku heyso gobolka Hiiraan, iyo Hirshabelle dooni meyno anagaa aayaheena ka tashaneena”.

Dibad baxan ka socda magaalada Baladweyne ayaa kusoo aadaya xili xiisad siyaasadeed ee ka jirto magaalada Baladweyne, kadib markii uu Madaxweynaha Hirshabelle xilka ka qaaday Gudoomiyihii Hiiraan Yuusuf Dabageed, oo isagana ka soo horjeestay amarka Waare xilka kaga qaaday.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments