Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabab la wareegay gacan ku heynta deegaanka Af-Urur

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay dagaal la’aan kula wareegay wareegay gacan ku haynta tuulada Af-urur oo qiyaastii 90 Km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari ee Puntland.

La wareegitaankaas ayaa waxaa ay ka dambeysay,kadib markii Ciidamada Puntland ay isaga baxeen,waxaana xalay deegaankaas ku hoyday Al-Shabaab.

Wararka Maanta naga soo gaaraya deegaanka Af-Urur ayaa waxaa ay sheegayaan in weli Al-Shabaab ku sugan yihiiun deegaanka Af-Urur balse ay duleedka deegaankaas dhaq dhaqaaq Ciidan ay ka wadaan Ciidamada Puntland.

Saraakiisha iyo Madaxda Ciidamada Puntland weli kama hadlin sababta ay Ciidamadooda uga soo baxeen deegaanka Af-Urur oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee Maamulka Puntland.

Deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ayaa hadda ka hor waxaa ka dhacay agaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,taas oo suurtagelisay in mudo kooban ay la wareegaan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments