Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabis sameeyay (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July.

Xubnaha Guddiga

1Maxamed Cabdi Xayir MaareeyeWasiirka WarfaafintaGuddoomiye
2C/Raxmaan Ducaale BayleWasiirka MaaliyaddaXubin
3Xasan Cali MaxamedWasiirka gaashaan-dhiggaXubin
4Maxamed Abuukar IslaawWasiirka Amniga GudahaXubin
5Khadiija Maxamed DiiriyeWasiirka Dhallinyarada & CiyaarahaXubin
6Deeqa Yaasiin Xaaji YuusufSadiiq Xirsi WarfaaXubin
7Cabdiraxmaan Cumar CusmaanGuddoomiyaha Gobalka BanaadirXubin
8Bashiir Axmed CusmaanAgaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka BaarlamaankaXubin

 

Guddiga ayey shaqadoodu tahay in ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Facebook Comments