Madaxweynaha Galmudug oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis (Aqriso)

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug uu sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis wada socda.

Axmed Ducaale Xaaf, ayaa lagu waramayaa inuu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Mudug, isaga oo magacaabay guddoomiye cusub oo gobolkaasi uu yeesho.

Madaxweyne Xaaf, ayaa C/raxmaan Cali Diirye u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug, waxaana Mr Diiriye laga sugayaa inuu qabto shaqooyin badan.

Madaxweyne Xaaf ayaa warqaddiisa magacaabista waxa uu faray Hey’adaha amniga ee ka howlgala Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan Guddoomiye Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Hey’adaha gargaarka ee ka howlgala Gobolka Mudug ee Galmudug ayuu faray Madaxweyne Xaaf, in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaas.

Hoos ka Akhriso wareegtada Madaxweyne Xaaf

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments