Eng Yariisow oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga Muqdisho

Xarunta booliska gobolka Banaadir ayaa lagu qabtaty kulan uu shir guddoominayey duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow kaasoo looga hadlay amniga caasimadda iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi  Maxamed Ameriko, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah saraakiisha talisyada ciidamada Booliska.

Waxaa inta badan kulankan diirada lagu saaray dardargelinta sugida Amniga, Isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka caasimadda Muqdisho.

Qodobada shirkan ka soo baxay waxaa ka mid ah in la kordhiyo howlgalada ay wadaan ciidamada amaanka, iyadoo lala kaashanayo qeybaha bulshada iyo lala xisaabtamo ciidamada xad gudubyada kula kaca shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa saraakiisha amaanka ugu baaqay iney guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii looga hortegi lahaa falalka amni darada ee ka dhaca magaalada, isla markaana loo soo qaban lahaa kooxaha ku lugta leh.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments