Baarlamaanka Itoobiya oo ansixiyay sharci farxad geliyay Maamulka Soomaalida

Baarlamanka Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa shalay ansixiyey Sharci cusub oo ku saabsan Qeybisga  kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Itoobiya, iyadoo xeerkaasi ay soo dhoweeyaan madaxda iyo shacabka Soomaalida Itoobiya.

Sharciga qeybsiga Kheyraadka Itoobiya ee Baarlamaanka Itoobiya uu ansixiyey ayaa dhigaya in gobolkii laga helo wax kheyraad dabiici ah uu heli doono kharashka laga helo 50%, Halka dowladda Federaalka loo qoondeeyay 25%, iyadoo 25% soo hartay loo qeybinayo ismaamullada Itoobiya oo uu ka mid yahay maamulkii kheyraadkaasi laga helay.

War la xiriira sharcigan waxaa shaaciyay telefishanka maamulka Somali State ee dalka Itoobiya, waxaana si weyn loo soo dhoweeyay xeerkan cusub oo ka dhigan in degaanka Soomaalida Itoobiya oo laga helay Gaas fara badan oo Dabiici ah uu heli doono hanti fara badan oo kheyraadkliisa kasoo baxda.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa mar sii horeysay sheegay in maamulka Soomaalida uu leeyahay 5% saami ahaan shidaalka laga helay degaanka taasoo caro badan ku abuurtay Soomaalida balse sharcigan ayaa hadda arintaas wax ka bedelay.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments