Al-Shabaab oo sheegay in ay dileen 13-askari oo ka mid ah ciidanka Jabuuti

Dagaal xooggan ayaa duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab.

Wuxuuna dagaalkan yimaaday kadib markii Al-Shabaab ay weerar iyo qaraxyo ku qadeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom ee halkaas ku sugan.

Ururka Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigtay warbaahinteeda ku sheegtay in 13 askari oo Jabuutiyaan ah ay ku dileen kuna dhaawaceen dagaalka.

Idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Jabuuti lagu gubay qaraxyo ka dhacay agagaarka Buundada degmada Jalalaqsi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ay la kulmeen weeraro jidgal ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen gudaha iyo hareeraha degmada Jalalqsi.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Waxaan sidoo kale weli war kasoo bixin taliska ciidamada Amisom iyo kuwa Jabuuti.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments