Daawo Sawirro: RW Abiy Ahmed oo ka degtay magaalada Khartuum

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka dagay magaalada Khartuum ee xarunta u ah dalka Suudaan.

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa Twitterka soo dhigay sawirrada markii uu ka dagay Khartuum.

Waxaa halkaas ku soo dhoweeyey madaxda milateriga Sudan oo haatan qalalaase siyaasadeed dhexda kaga jira ka dib markii ay laayeen hal maalin gudahood dad ka badan 100 qof oo ka mid ah dibed-baxayaasha dimoqraadiyad doonka ah.

Waxaa la filayaa inuu dhexdhexaadin doono hoggaamiyeyaasha milatariga iyo hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments