Xuutiyiinta Yemen oo weerar ka geystay gudaha dalka Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yaman ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar ku qaadeen gudaha wadanka Sacuudiga, waxa ayna kooxdaasi ku faantay in ay qabsaday goobo badan oo katirsan dhulka Sacuudiga.

Sarkaal u hadlay Kooxda Xuutiyiinta  ayaa sheegay in 20 goobood ka qabsadeen ciidamada dowlada Sacuudiga, kadib markii ay gudaha u galeen gobalka Najran ee koonfurta wadanka Sacuudiga.

Warbaahinada taageera kooxda Xuutiyiinta ayaa baahiyay sawiro iyo muuqaalo laga soo qaaday maleeshiyaadka xuutiyiinta oo weerar ku qaadaya goobo ay ku sugnaayeren ciidanka Difaaca Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa marar badan weeraro duqeymo ah oo ay u adeegsadeen gantaalo iyo diyaarado drone la beegsaday magaalooyinka & Xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments