Dawlada oo tartan furan u qabaneyso dhamaan hoobalooyinka fanka (Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane;  Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa Kooxaha Fanka heer Qaran ee Dalkeenna u sheegay in ay u diraar garoobaan Todobaadka xorriyadda ee foodda nagu soo haya tartan furan.

Wasiirka oo maanta Xafiiskiisa kula kulmay Abwaanno iyo Hoballo ka kala socda dhammaan Kooxaha Fanka iyo Suugaanta ee hay’adaha Dowladda , ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Fanka iyo Suugaanta, isla markaana Bulshada looga wacyigelin lahaa saamaynta Argagixisada iyo dhaqamadeeda xun xun.

Wasiirka ayaa u sheegay Kooxihii uu la kulmay in dhawaan Xarigga laga jari doono Golaha murtida iyo madadaalada ee National Theatre,  isla markaana ay wada isticmaali doonaan dhammaan Hoballada kala duwan ee Qaranka.

Mudane Maareeye ayaa dhammaan xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa u sheegay in ay isu diyaariyaan tartanka furan, iyadoo kooxdii ku guuleysatana la guddoonsiin doono Shahaado sharaf 1-da Bisha July ee Sanadkan oo ay inaga xigaan maalmo kooban.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments