Dawlada oo la shirtay laamaha amaanka Muqdisho, kuna amaantay shaqadooda

Magalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay kulan looga hadlayay dhanka Amniga Caasimadda,waxaana kulanka shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyeyaasha Ciidamada iyo gudodomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisow,waxaana sigaar ah diirada loogu saaray sidii loo adkeyn lahaa  amniga Magalada Muqdisho, Maalmaha ciidul Fidriga oo saacado kaliya ay inaga xigaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Somaliya, ayaa taliyeyaasha Ciidamada iyo duqa Muqdisho ku booriyay inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,xilli mararka qaar falal amnidarro ay ka dhacaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii lagu guda jiray Bisha Ramadaan waxa ay diyaarisay Ciidamo Boolis ah, kuwaas oo habeen iyo Maalin howlgallo ka waday Magalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments