Mucaaradka iyo Dawlada Venezuela oo uu wadahadal uga furmay dalka Norway

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Venezuela Juan Guaidó ayaa shaaca ka qaaday in uu u socdaalayo magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway si uu uga qeyb-galo wadahadal uga furmay halkaasi mucaaradka uu isagu hoggaamiyo iyo dowladda uu madaxda ka yahay Nicolás Maduro.

Wadahadalladan oo si hoose ku bilowday ayaa waxaa uu iminka galayaa wareegiisa labaad, waxaana doorkan kasoo qeybgalaya xubinta ugu sarreysa mucaaradka oo ah Juan Guaidó, laakiin wali ma cadda in madaxweynaha dalka Venezuela uu qeyb ka noqonayo.

Dowladda Norway ayaa isbuuc ka hor xaqiijisay in ay ku gudo-jirtay heshiisiinta dhinacyada ku loolamaya siyaasadda Venezuela, si xal looga gaaro mushkiladda dhinacwalba leh ee dalkaasi ka taagan.

Madaxweynaha Venezuela oo isna horay uga hadlay wadahadaladan nabadeed ee bilowday ayaa soo dhoweeyay, waxaana uu sheegay in uu rumeysan yahay arrinka lagu dhameeyo oo keliya wadahadal iyo nabad, isagoona uga mahadceliyay dowladda Norway dadaalkeeda ku aadan xal u helidda mushkiladda Venezuela.

Labada garan ee isku haya siyaasadda dalka Venezuela ayaa kala ah hoggaamiya baarlamaanka dalkaasi iyo madaxweynaha dalkaasi, waxaana ay labaduba taageeri ka kala haystaan Mareykanka iyo Ruushka, waxaana hogaamiyaha mucaaradka oo haray u sheegtay in uu yahay madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Venezuela aqoonsaday 53 waddan oo uu Mareykanku horboodayo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments