Madaxweynaha Puntland Saciid C/llahi Deni oo kormeeray goobo badan

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey Xarumaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, Saldhigga dhexe ee Booliska Gaalkacayo, Dambi Baarista iyo cisbitaalka Weyn ee maagalada Gaalkacayo.

Kormeerka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ka bilaabay Saldhigga dhexe ee Gaalkacayo, qaybta Booliska gobolka iyo xarunta dembi barista.

Madaxweynaha ayaa xarunta qaybta Booliska gobolka Mudug kula hadlay Saraakiisha laamaha ciidanka Booliska gobolka iyo degmada Gaalkacayo.

“Booliiska waa halbowlaha nabadda umadda, hadaan nabadi Jirin horumar ma jiro, hadaan Boliis jirina nabadi ma jirto, waan dareemi karnaa xaaladda lagu jiro iyo wakhtiyada la soomaray, kormeerkeena markii uu dhammaado waxaan rajeynaynaa in uu qorshe cad kasoo boxo wixii ciidanka la gudboona iyaga ayaa looga baahan yahay, wixii dowladda looga baahanyahayna waa balan qaadaynaa”Ayuu yir Madaxweynuhu

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay cisbitaalka Weyn ee Magaalada Gaalkacayo oo dhisme uu ku socdo marayana heer geba-gebo ah, Madaxweynaha ayaa halkaas kulan kula qaatay maamulka cisbitaalka iyo guddiga horumarinta Gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments