Dawlada Somaliya oo baaq u dirtay Shacabkeeda, kadib duulaanka weyn ee Kenya

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan, si buu yiri looga adkaado kuwa doonaya inay na dafiicsadaan ee xooga is bidaya.

Maareeye ayaa sida muuqata hadalkan ula jeeday dowlada Kenya oo xiisad diblomaasiyadeed ay kala dhexeyso Somalia.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in Dowlada Soomaaliya ay garab istaagaan” ayuu yiri wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowlada Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixinin ficilada xaalad abuurka ah ee ay ku dhaqaaqday Kenya ka dib markii ay viisaha dalkeeda u diiday iney siiso masuuliyiin iyo xildhibaano Soomaali ah.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments