Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka qarxay deegano ka tirsan gobalka Sanaag

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Damalla Xagarre ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in hadda uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Wasiir ka tirsan maamulka Puntland uu gaaray degaankaasi oo ka mid ah degaanada ay ku muransanyihiin maamulada Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka waxbarashadda Puntland ayaa kormeer ka waday degaanno ka mid ah gobolka Sanaag oo uu ka socday imtixaanka guud ee dugsiyadda Sare ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in uu dagaalku uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada Puntland oo marayay degaanka Damalla Xagarre balse weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha dagaalkaasi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments