Shacabka Kenya: Soomaaliyey xaafada islii adinka ayaa leh baddane maku darsaneysiin?

Labadii maalmood ee ugu dambeeyay waxay umada Soomaaliyeed baraha bulshada si weyn ugu dhex wadaagayeen muuqaal ay shacabka Kenya oo daayeen 18/ May 2019, kaasi oo ahaa muqaalkii ugu horeeyay oo ka soo baxa shacabka Kenya.

Muuqaalkaan ayaa noqday mid kiciya qalbiyada Soomaali badan kuwaasi oo ka qaatay fikrado aysan horey uga aaminsanaayeen shacabka reer Kenya ee isku duuban, isla markaane iyaga iyo dowladooda ay wada dhinac yihiin.

Guntiga muuqaalkan ayaa ah in ay shacabka Kenya ku an dacoonayaan in ay Soomaaliya ka galdaran tahay islamarkaane ay jiraan dawlado isku haya seefaha labada dawladood, iyagoona sheegay in aysan marnaba aqbali noonin in ay Soomaaliya ka qaadato badda lagu muransanaa ee ay saxiixday ICJ, xilli ay aaminsanyihiin fikir qaldan oo Soomaaliya looga xaalaleysanayo badeeda.

Waxyaabaha ugu waa weyn muuqaalkaan waxaa ka mid ah in ay Soomaaliya dooneyso in ay qaadato badda lagu muran sanyahay, kadibne ay inta soo hartay hadane qaadato dawlada Tanzania, sidaasine ay Kenya ku soo istaagi doonto ‘Habaa’aan mansuuran’ ama bad la’aan taasi oo shacabka Kenya ka dhigtay kuwa ku dhawaaqa kacdoon ka dhan ah Shacabka iyo Dawlada Soomaaliyeed.

Waxay kaloo shacabka Kenya ugu galo sheeganayaan Dawlada Soomaaliya in ay dalkoodu ku sugan yihiin Qaxootiga ugu badan, sidoo kalane ay Soomaalida Kenya ku leeyihiin Ganacsi ka badan midka ay ku leeyihiin dalkooda, xilli ay gaartay in xaafada Islii ee magaalada NAirobi loogu magac darro Little Mogadishu (Muqdishada Yar), iyadoo sidaasi ahne ay Shacabka Soomaaliyeed sii doonayaan in ay qaataan badda Kenya.

Waxaa kaloo muuqaalka ka muuqda in ay shacabka Kenya ay doonayaan in ay dhulkooda ku darsadaan deganada maamulka Jubbaland, iyagoona sheegaya in uu gumeystihii kala qeybsaday Africa uu siiyay Somaliya, sidaasi awgeedne ay haatan u baahan yihiin dhulkoodaasi, xilli ay iyaguna heystaan dhulka loo yaqaan NFD ee uu gumeystuhu siiyay Kenya.

Shacabka Kenya waxay u baahan yihiin in la weydiiyo su’aasha ah;

“Hadii aad leedihiin Jubbaland oo uu gumeystuhu idinka siiyay Somaliya, maad ininka dib inoogu soo celisaan gobalka NFD (North Eastern Province)”.

Hadaba Hoos ka daawo muuqaalka ay shacabka Kenya ku wadaan duulaanka ka dhanka ah Soomaaliya

 Muuqaalka kore ayaa ka mid ah kuwii ugu yaabka badnaa ee siday farriimaha colaadeed ee lagu kicinayo shicibka Kiinya sidoo kalana lagu bannaysanayo boobka dhulka Soomaaliya. Muuqaan oo soconayo 12 daqiiqo ayaa waxaa ka hadlayo aqoonyahanno reer Kiinya ah oo da’ yar. Dhammaan inta meesha ka hadashay waxay isku raaceen inay dhimasho ka xigaan inay ka baxaaan biyaha Soomaaliya ee dalkoodu xoogga ku haysto.

Maxkamadda caalamiga ee ay dhawaan qaadi doonto dacwada badda ayay u sawireen xero guumayste oo lagu qaybinayo biyaha Kiinya. Hadalkaan wuxuu sidaa labo farriimood. Tan koowaad waa inaysan ku qanci doonin natiijada kasoo baxdo maxkamaddaas taasoo tilmaamayso inay ogyihiin in laga xugmin doono waxa la isku hayo.

Farriinta labaad ayaa ah in shicibka Kiinya loo sheego inaysan jirin dood u dhaxayso Soomaaliya iyo Kiinya ee ay jirto dood u dhaxayso ree Yurub rabo inay qabsadaan biyaha Kiinya iyagoo isticmaalayo Soomaaliya iyo Kiinya oo is difaacayso.

Qodob kale oo meeshaan laga sheegay ayaa ah sheegasho dhul cusub iyo tuhun la qabay oo carrabka lagu dhuftay. Deegannada Jubaland oo dhan ayay Kiinya ku doodaysaa inay iyadu leedahay xaqna tahay inay u dagaalanto. Tani waa hayi kicin shicib iyo furid jiho cusub oo laga dagaal galo oo cadaadis lagu saaro Soomaalida uu dagaalku daashaday ee dhulkeedi iyo dadkeediba horay loo qaatay. Haddii Jubaland la isku hayso ma bad baa warkeed jiraa.

Tallaabooyinka kale ee ay kiinya qaadday si ay ugu guulaysato dagaalka ay qaadi doonto ayaa waxaa ka mid ah qoridda ciidamo Soomaali ah oo iyada ka amar qaato kuwaas oo sal dhigan doono gudaha Soomaaliya iyagoo difaacayo Kiinya. Ceelwaaq ayaa laga billaabay qoridda ciidamadaan oo hadda si dardar leh uga socdo. Qorshaha ayaa ah inay xuduudka dhinaca Soomaaliya ah lagu teedo ciidamo Soomaali ah oo Kiinya mushaar ka qaato hoosna tago Juabaland. Ciidamadaan waxay ka hor tagi doonaan kacdoon shicib iyo cid walba oo isku daydo inay hor istaagto darbiga la sargooyay loolka badda la isku hayo.

Si kooban, dowladda Kiinya iyo madaxya-weynteedu (elites) way ogyihiin inaysan lahayn biyaha la isku hayo loogana guulaysan doono dacwada dhawaan dhici doonta. Sidaa darteed waxay u diyaar garoobeen dagaal qaraar oo ay ku haystaan dhulka Soomaaliyeed ee ay qabsadeen. Soomaalida ayaan dhinaceeda warba u hayn middayaha loo soofaysanayo iyo duullaanka qaawan ee lagu kor diyaarinayo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
[email protected]

Facebook Comments