Xaaf oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii madaxweyne Farmaajo (Aqriso)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Dawlada Federaalka mudane Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xaaf ku tilmaamay inuu diiday qaadashada Daawada xalka u aheyd Galmudug, taasi oo aheyd in waqti kordhinta uu doonayo uu kala tashada shacabka deegaanada Galmudug, islamarkaana ay iyaga u ogolaadaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu madaxweyne Farmaajo weydiistay hub uu deeganada Galmudug uga saaro Al-Shabaab balse uu ugu jawaabay jawaab lala yaabo.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan weydiistay Hub aan Al-shabaab kula dagaalano balse waxaa uu iigu jawaabay “Ma Caabudwaaq ayaad ku weerari rabtaa” ayuu yiri Xaaf oo arintaas ku tilmaamay mid  lala yaabo oo nasiib daro ah.

Sidoo kale Madaxwayne Xaaf ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay dhibaatooyin ka wadaan degaanada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug, isagoo dowlada ugu baaqay iney joojiso fara gelinta qaawan ee ay ku heyso dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay inaysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameeyaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in lagu kala tago shirkii magaalada Garowe.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments