Maxaa ka jira wararka sheegaya in ay Al-shabab dileen taliyihii sirdoonka Garbahaarey?

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weerar culus ku qaaday deegaano ka tirsan gobalka Gedo, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, sida ay shalay ku baahiyeen bartooda Internet-ka.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerarka ku qaadeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dawlada, iyagoona sheegay dagaalka ku dileen Taliyihii Ciidamada Sirdoonka degmada Garbahaareey Col. Siyaad C/Naasir Cagalaab, iyo 7-askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degaanada Maykaareebey iyo  Iimey oo qiyaastii 20-km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo waxay dhankooda sheegeen in duulaanka ay iyagu qaadeen ayna ku dileen illaa 8 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, ayna ka qabsadeen degaano cusub.

Ma jiro war madax banaan oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Garbaahaarey oo beeninaya sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay weerarkii shalay ku dileen Taliyihii Sirdoonka degmadaaasi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments