Iran oo war ka soo saartay xiisada cirka isku shareertay ee kala dhaxeyso Mareykanka

Xiisadda ka dhaxeysa Dawladaha Iran iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareereyso kadib markii toddobaadyadii ugu dambeeyay uu Mareykanka maraakiibta xambaara diyaaradaha dagaalka, iyo diyaaradaha bambooyinka culus qaada ee B-52 geeyay Khaliijka Carabta, isaga oo tuhmayo halis kasoo socota Iran.

“Xiisadda kasii dareysa ee Mareykanka waa mid aan la aqbali karin” Waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibeddda Iran Mohammad Javad Zarif oo wada-hadallo u jooga dalka Japan.

“Waxaan muujinay is-xakameyn, inkasta oo Mareykanka ay ka baxeen heshiiska Nukliyeer” ayuu yiri wasiir Zarif.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibedda Iran ayaa sheegay in Tehran ay ka go’an tahay inay heshiiska ay sii waddo, islamarkaana qiimeyn la sameeyey ay muujineyso in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska.

Hadalka Wasiir Zarif ayaa ku soo beegmayo xilli maalin un kadib markii Wasaaradda Arimaha Dibedda Mareykanka ay ku amartay dhammaan shaqaalaheeda laga maarmi karo inay ka baxaan safaaradeeda Baghdad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex olalasan labada dal, iyadoo laga cabsi qabo dagaal ka dhex qarxa labada dhinac.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments