Amarkii madaxweynaha Hirshabeelle ee Saraakiisha kormeerka Imtixaanaadka oo fulay!

Wararka lag helayo deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in saarakiishii kormeerayaasha iyo ilaalinta Imtixaanka ee dowladda Soomaaliya u dirtay deegaanadaas ay guud ahaan isaga soo baxeen,kadib amarkii Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Magaalooyinka,Baladweyne,Jowhar, Balcad iyo Buulo-Burde ayaa la sheegay inay kormeerayaasha Imtixaanka ilaalinayay ay isaga soo baxeen,iyaga oo soo aaday dhinaca Magalada Muqdisho,waxaana Guddigaas Madaxweyne Waare uu ku eedeeyay inay ku fashilmeen ilaalinta Imtixaanka.

Kadib markii Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku dhawaaqay in la joojiyey Imtixaankii socday,sila markaana markale dib loo bilaabayo 27-ka Bishaan ayaa Madaxweyne Waare waxa uu ku amray guddiga ku sugnaa deegaanada Hir-Shabelle inay isaga baxaan.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa Magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaas oo ku howlan inay go’aan ka gaaraan cida qaadeysa imtixaanka deegaanda Hir-Shabeelle,balse aan la ogeyn in uu dhaqan geli doono go’aanka gudigaas.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee ay qaadeysay wasaarada Waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay noqday ee uu fashilmo, islamarkaane uu hakad ku yimaado, Kadib markii ay dad khilaafsan hormarka xukuumada Nabad iyo Nolol ee haatan dalka xukumeyso ay gateen qishka imtixaanka islamarkaane uu noqdo wax baraha bulshada leysku dhaafsado.

Waxaa arinkaas go’aan cad ka qaatay wasaarada warbarshada oo hakisay guud ahaan imtixaanka xilli uu marayay 6-maado, waxaana go’aankaas ka carooday oo banaanbaxyo ka sameeyay magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments