Al-Shabab oo la wareegay gacan ku heynta deegaan ay joogeen ciidamada Kenya iyo Jubbaland

Wararka ka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Kooxda Al Shabaab ay deegaan muhiim ah kala wareegeen ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ururuka Al-Shabaab ayaa baabiyay warar la xiriira inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka DIIF ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya iyo Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal dhowr Jiho ah ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab  ku qaadeen deegaanka, kaasi oo sababay in ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay isaga baxaan, islamarkaane ay Al-Shabaab la wareegaan maamulida deegaankaasi.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Barahooda Intertnet-ka waxa ay ku shegeen inay la wareegeen deegaanka DIIF oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxay sidoo kale Al-Shabaab shaaciyeen sheegeen inay hub farabadan ka qaateen Saldhigyadii ay la wareegeen ee deegaanka DIIF, ayna haatan ku sugan yihiin  deegaanka.

Ma jiraan warar madax banaan oo ka soo baxay dhanka Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha ciidanka Kenya oo cadeynaya sheegashada Al-Shabaab ee gacan ku heysnta deegaanka DIIF.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments