17 askari oo si qaldan loogu dilay duqeyn iyo 14 kale oo ku dhaawacmay

Duqeyn ay Ciidamada Militariga Ajnabiga ah ee ku sugan dalka Afghanistan ka fuliyeen gobolka koonfurta ah ee Helmand ayaa si qaldan u dishay 17 ka mid ah ciidamada dowladda, islamarkaana dhaawacday 14 kale.

Sarkaal amni oo dalbaday inaan magaciisa la shaacin ayaa VOA u xaqiijiyey dhimashada askartaas, isaga oo sheegay in weerarkan uu ka dhacay duleedka magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkar Gah, halkaasi oo ciidamada booliiska ay kula dagaalamayeen kooxda Taliban.

Attaullah Afghan, oo ah madaxa guddiga gobolka Helmand, ayaa VOA u sheegay in taliyaha guutada booliska waddooyinka uu ka mid yahay dadka ku dhintay duqeyntaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan ayaa goor sii horeysay bayaan ku sheegtay in duqeynta lagu dilay sideed boolis ah, 11 kalena lagu dhaawacay, ayada oo xustay in baaritaan lagu hayo dhacdadan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in isbahaysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee Afghanistan ay fuliyeen duqeynta kadib markii ay ka codsatay dowladda Afghanistan, si gacan looga siiyo iska caabinta weerar culus ee Kooxda Taliban ay kusoo qaadeen degmada Nahr-e-Saraj.

Ciidamada Isbaheysiga Militeriga ee howlgalada ka wada dalkaasi Afghanistan weli kameysan war bixin dhacdadan, iyado ay jiraan warbaahino ay VOA da ku jirto oo ka codsaday in ay ka hadlaan arintaan.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments